Ka-qeybqaadashada Deeqda Fanka Ciyaaraha Masraxa ee McKnight

Codsiga lacag lagu taageero fanka ciyaaro-kooxeedka, masraxa, ama ciyaaraha shakhsiga ah 

Tababarashada Shakhsiga ah ee Ciyaaraha Fanka iyo Masraxa ee McKnight

Barnaamijkan oo ah deeq lacageed waxaa bixiya xarunta Fanka iyo Ciyaaraha Masraxa (The Cowles Center for Dance) ee Minneapolis. Abaalmarinta deeqda waa $25,000 oo la siin doono dadka la xusho ee ku jira fanka masraxa ee ku kala nool Minnesota oo dhan. Haddii aad ku jirto fanka masraxa, waa in aan kaa war helno! Waxaad noqon kartaa qof ku ciyaara fanka masraxa ama falamengo ama hab shakhsiyeed casri ah. Dhammaan dadka ciyaaraha masraxa fanka ee ku nool Minnesota ayaa deeqdan soo codsan kara.           

Waa maxay deeqda tababarashada shakhsiga ah ee McKnight?

Sannad kasta ayaan bixinnaa lix deeqood oo ay mid kasta tahay $25,000 oo la siiyo dadka ku jira fanka ciyaaraha masraxa ee ku nool gobolka Minnesota. Deeqdan sida loo isticmaalayo waa “mid xor loo yahay” oo macnaheedu waa in ay dadka ku jira fanka ciyaaraha masraxa lacagtan ku sameyn karaan wixii ay rabaan. Waxay ku fulin karaan mashruuc ah fanka masraxooda, sameysasho ah astaan u gaar ah, tababarka ciyaaraha fanka, ama sidii mushaar shakhsiga ah. Waxaa loo isticmaali karaa wax kasta.  

Miyey igu fiican tahay deeqadan ah tababarka shakhsiga ah?

Haddii aad sameyso ama qeyb ka tahay ciyaaraha fanka masraxa – nooc kasta iyo qaab kasta oo ay yihiin – ka jawaab labada su'aalood ee hoose:

1.     Ma ku soo jirtay ciyaaro-masraxeedka ugu yaraan 5 sano? 2.     Ma ku nooleyd gobolka Minnesota ugu yaraan hal sano?

Haddii aad “haa” tiri labadaas su'aalood, waxaad ka mid noqon kartaa dadka loogu deeqayo lacagtan.  

Sidee baan u soo codsadaa lacagta?

Si laguugu tixgeliyo helidda deeqdan lacageed, waa in aad soo codsato. Si aad ku hesho faahfaahin:

o   booqo barteenna intarnetka oo ah: www.mcknightdancechoreo.org

o   ama si toos ah farriin noogu soo dir: mckfell@thecowlescenter.org 

Markaad soo codsato waxaan macluumaad ku soo weydiineynaa laba jeer inta lagu jiro sannadkan. Marka hore, waxaan kaa rabnaa in aad soo buuxiso foom fudud oo la soo gelin doono intarnetka xilliga deyrta ah (ilaa 9-da Sebtembar, 2023), oo waa in aan helno magacaaga iyo macluumaadka lagaala soo xiriiri karo. Guji batoonka ah Sida Loo Codsado ee ku jira barteenna intarnetka. Waa in aad soo gudbiso sawir oo noo soo sheegto haddii ay jirto meel aan kugu soo daawan karno adiga oo sameynaya ciyaar-masraxeed sannadka soo socda. Sidaas ayaa ah sida aan ku ogaan karnaa in aad codsigaaga soo gudbineyso xilliga guga. Haddii aad ka-dib-dhacdo wakhtiga kama-dambeysta codsiga, ha ka welwelin. Waxaad soo codsan kartaa ilaa xilliga guga, balse sida kuugu dhakhso badan noogula soo xiriir boostada intarnetka ama taleefan ahaan.

            Midda labaad, xilliga guga ee sannadka dambe (ilaa 20-ka Maajo, 2024) ayaan dadka ka soo codsaneynaa faahfaahin ku saabsan ciyaarahooda fanka masraxa. Waxaan soo codsaneynaa in na loo soo gudbiyo fiidiyow, liiska ciyaaraha masraxa, iyo qoraal ku saabsan waxa uu qof kasta sameeyo. (Waxa aan arrimahaas sidoo kale u tixraacaynaa sida: tusaalaha ka muuqda fiidiyowga, sooyaalka shaqada, iyo qoraal ah shakhsiga iyo fanka.) Guddi kala duwan oo ka socda fanka masraxa ayaa wada eegi doona codsiyada.

Maxaa dhacaya haddii aanan anigu weligayba codsan wax deeq ah?

Arrintaas awgeed ha uga harin deeqdan lacageed. Waxaad naga heleysaa caawimaad. Qof kasta oo noo baahan waxaan ku caawin karnaa arrimaha codsiga. Fadlan nagala soo xiriir taleefanka ama boostada intarnetka si aad codsiga u bilowdo, ka dibna waxaan kugu hageynaa habraaca iyo tallaabo kasta.        

Maxaa dhacaya haddii aanan heli karin kambuyuutar?

Arrintaasna sidoo kale waa mid aan kaa caawin karno. Waxaan kuu tilmaami karnaa meelo laga helo kambuyuutarro la isticmaalo oo lacag la'aan ah. Haddii ay sidaas kuu shaqayn weydo, waxaan haynaa fikrado kale oo ah si aad codsigaaga ku soo gudbin karto. Fadlan nala soo xiriir.

Maxaa dhacaya haddii aan codsado deeqda oo aan heli waayo?

Waxaa jira dad badan oo aan deeqdan ku helin codsigooda koowaad. Ha niyad jabin. Markaad hal mar soo codsato, waxaa kuu fududaan doonta in aad mar kale soo codsato mustaqbalka, marka waa wax adiga kuu fiican in aad mar kale soo codsato.

Ma na weydiineysaa wax su'aalo dheeraad ah?

Fadlan farriintaada noogu soo dir: mckfell@thecowlescenter.org  

Dana Kassel (Agaasimaha Barnaamijka)
Colin Edwards (Xiriiriyaha Barnaamijka) 

Ka-qeybqaadashada Deeqda Fanka Ciyaaraha Masraxa ee McKnight waxaa maamula Xarunta The Cowles Center oo waxaa maalgeliya ururka samafalka ah ee McKnight Foundation.